Wafdi ka socda Soomaaliya oo Shir uga qeyb galay Imaaraadka Carabta

HomeWararka

Wafdi ka socda Soomaaliya oo Shir uga qeyb galay Imaaraadka Carabta

Wafdi ka socday Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha uuna hoggaaminayey Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maxamed Cabdullaahi Faarax ayaa shir heerkiisu

Warka Fiidnimo iyo Cabdirisaaq Faamoos, Daljir Bosaaso (dhegayso)
Abiy Axmed: “Saaxiibbo Badan Oo Aan Leennahay Ayaa Dhabarka Noo Jeediyey Xilligan Adag”
Maanhadal, Qiimaynta Musharaxiinta ugu cadcad xilka Madaxnimo ee Soomaaliya,

Wafdi ka socday Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha uuna hoggaaminayey Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maxamed Cabdullaahi Faarax ayaa shir heerkiisu sarreeyo uga qeyb galay magaalada Abu Dubai ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Wasiirka ayaa warbixin Ka siiyay dowladaha iyo Hay’adaha caalamiga ah ee shirka ka soo qeyb galay heerka ay mareyso Soomaaliya ee arrimaha Tamarta (korontada).

Shirkan oo eey soo qabanqaabisay Hey’adda Caalamiga ah ee International Renewable Energy Agency (IRENA) ayaa ahaa kulankii saddex iyo tobnaad ee Golaha Hey’adda, kaasoo looga hadlayey Arrimaha Tamarta iscusbooneeysiisa.

Shirweeynaha ayaa aad loogu falanqeeyaa muhiimadda Tamarta iscusbooneeysiisa, sida ugu habboon oo looga faaiideeysan karo iyo weliba sida loola jaanqaadi karo geediga cusub ee dunidu uga guureeyso isticmaalka Matoorada iyo Tamarta ku dhisan noocyada Shidaalka.

Golaha IRENA oo aad uga doodaya Hanaanka cusub ee dunidu ugu guureeyso Tamarta laga dhaliyo Qoraxda, Dabeeysha iyo Tamarta munaasabka la ah Bii’ada (Environmental friendly Energy) ayaa go aamo waaweeyn oo dhaxalgal ah kasoo saari doona Shirweeynahaan oo socon doona illaa iyo 18 ka January 2023.

Dhanka kale Wafdiga dowladda Soomaaliya ayaa kulammo doceedyo dhoowr ah la leh madax ka kala socota Dowlado iyo weliba Hey’ado ka shaqeeya arrimaha Tamarta iyo qaababka loo hormariyo ee casriga ah.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: