Abiy Axmed:  “Saaxiibbo Badan Oo Aan Leennahay Ayaa Dhabarka Noo Jeediyey Xilligan Adag”

HomeWararka

Abiy Axmed: “Saaxiibbo Badan Oo Aan Leennahay Ayaa Dhabarka Noo Jeediyey Xilligan Adag”

Ra’’isul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed oo culeyso xooggan uga imaanaya ururo isbaheystay ayaa qiray jabka is daba jooga ah ee ka soo gaaraya gul

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo guddoomiyeey shir muhiim ah
Saaka & Dunida iyo Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe (dhegayso)
Madxaweynaha Puntland oo Kulan La Qaatay Bulshada Degmada Xarfo.

Ra’’isul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed oo culeyso xooggan uga imaanaya ururo isbaheystay ayaa qiray jabka is daba jooga ah ee ka soo gaaraya gulufka dagaal ee ka dhanka maamulkiisa.

Abiy Axmed ayaa qiray iney jiraan saaxiibo badan oo uu lahaa, kuwaasoo sida uu carabka ku adkeeyay dhabarka u jeediyay xiligan adag ee uu wjaahayo, isagoo tilmaamay iney taageero siiyaan iska daayee aysan xitaa soo hadal qaadin colaada ka socota wadankiisa.

Mr. Abiy inkastoo uusan si rasmi ah carabka ugu dhufan saaxiibada uu dhaleeceynayo, hadana waxaa laga warqabaa in gobolka uu ku lahaa labada saaxiib ee ugu dhaw, kuwaasoo oo kala ah madaxweynayaasha dallaka Eritrea iyo Soomaaliya Afwerki iyo Farmaajo.

Labadaasi mas’uul ayaan ilaa iyo haatan ka hadal colaada ka sii holceysa Itoobiya, iyadoo caasimadda Adis-Ababa ay mucaaradka u jirsadeen 300KM, iyagoo ku hanjabaya iney qabsanayaan saacadaha soo aadan.

Sagaal Urur oo ka mid ah mucaaradka dalka Itoobiya ayaa kaga dhawaaqay magaalada Washington isbaheysi cusub oo ka dhan ah Ra’iisul wasaare Abiy Axmed, iyada oo xukuumaduna ay shaacisay in isbahaysigan aanu haysan taageerada shacabka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: