Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Xasan sheekh & Safiirada Beesha caalamka

HomeWararka

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Xasan sheekh & Safiirada Beesha caalamka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada Qaranka kula kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Amiir Maxamud Yuusuf Ciise & Suldaan Cabdiqani Suldaan Xasan oo socdaal nabadeed ku tagay Gallaadi (Sawiro)
Madaxweyne Farmaajo oo hambalyada Ciida u diray Shacabka Somaliyeed
Caawa & Daljir iyo Jamaal Faarax Aadan, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada Qaranka kula kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Marwo Tina Intelman iyo qaar ka mid ah Danjireyaasha dalalka Midowga Yurub u jooga dalkeenna ayaa uga warbixiyey guulaha laga gaaray dagaalka dalka looga soo horjeedo Alshabaab, dhammeystirka Dastuurka, Dimuquraadiyeynta iyo Dayn cafinta.

Madaxweynaha oo Danjireyaasha la wadaagay sida geesinimada leh ee Ciidamada Qaranka oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed Alshabaab oo laga saaray deeganno badan oo ka tirsan Gobollada Shabeellaha Dhexe, Hiiraan, Galguduud iyo Mudug ayaa tilmaamay in halganka dib u xoreynta dalka uu barbar socdo qorshaha dhammeystirka dhismaha hay’adaha muhiimka u ah dowladnimada iyo xaqiijinta himmilooyinka ay muddada dheer ku taamayaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan qorshaha la wareegidda mas’uuliyadda amniga dalka, dhammeystirka Dastuurka, dayn cafinta, xoojinta Dimuquraadiyeynta, Federaaleynta iyo adkaynta dowladnimada ayaa lagu yiri war ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya .

Dhankooda, Safiirada oo bogaadiyey howlgallada looga dalka saarayo Alshabaaab ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka gacan-siinayaan arrimaha hortebinta u leh oo ay ugu horreeyaan la wareegidda amniga guud ee dalka, xoojinta federaaleynta, daadejinta hannaanka dowliga ah, saamaynta Isbaddalka cimmilada iyo Gargaarka Beni-aadannimada.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: