Khilaafka kataagan arrimaha Xajka ee Soomaaliya (dhegayso)

HomeWararka

Khilaafka kataagan arrimaha Xajka ee Soomaaliya (dhegayso)

Khilaaf ayaa ka taagan nidaamka xajka ee Soomaaliya habkii loo maareeyey, waxaana tani ay ka dambaysay ka dib markii ay dowladda dhexe ee Soomaaliya a

Warka Arooryo iyo Xuseen Madar, Daljir Bossaso (dhegayso)
In ka badan 3.4 milyan oo qof ayaa Qaba Cudurka CoronaVirus Adduunka oo dhan
Qaramada Midoobay oo ugu deeqday dowlada Soomaaliya 7malyan oo dollar

Khilaaf ayaa ka taagan nidaamka xajka ee Soomaaliya habkii loo maareeyey, waxaana tani ay ka dambaysay ka dib markii ay dowladda dhexe ee Soomaaliya ay sanadkaan soo farogalisay arrimaha xajka oo qarashka uga baxda xujayda Soomaaliyeed ay ahayd mid aad uga badan qarashka xujayda kalle ee dunida.

Laba ka mid ah shirkadaha waawayn ee dalka ayaa horay u maamuli jirtay arrimaha xajka, iyadoona ay dowladda ay ka dhigtay mid shirkaduhu oo ay u simanyihiin oo ay tartan ay u galaan, inkastoo ay muuqato in arrintaasi ganacsatda shirkadaha duulimaadka diyaaradaha ay ka abuureen khilaaf hor leh.

Agaasimaha guud ee wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha diinta ayaa ku sugan dalka Sacuudi Carabiya oo wada hadalo uu kula leeyahay masuuliyiinta Sacuudiga, sidoo kallena dhowaan waxaa jirtay in wasiirkii diinta iyo aw qaafta xilka looga qaaday, kadib markii uu qayb ka noqday khilaafka dowladda iyo shirkadaha duulimaadka.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: