In ka badan 3.4 milyan oo qof ayaa Qaba Cudurka CoronaVirus Adduunka oo dhan

HomeWararka

In ka badan 3.4 milyan oo qof ayaa Qaba Cudurka CoronaVirus Adduunka oo dhan

Tirada dadka uu ku dhacay Coruna Virus ayaa kor u dhaaftay 3 milyan iyo 400 kun adduunka oo dhan, sida lagu sheegay mareegta Worldometer oo ku takhasu

Warka Maanta ee maalinka JIMCAHA iyo Xuseen Cabdi Jimcaale Madar (dhegayso)
Saddex Carruur ah Shuban-biyood Ugu Geeriyootey Magaalada Dhahar
Puntland oo lagu eedeeyay inaysan dan kalahayn Gobalka Sanaag & Somaliland oo Sanaadiq keentay (dhegayso)

Tirada dadka uu ku dhacay Coruna Virus ayaa kor u dhaaftay 3 milyan iyo 400 kun adduunka oo dhan, sida lagu sheegay mareegta Worldometer oo ku takhasustay la socodka dhibanayaasha fayraska Crona.

Sidoo kale jaamacadda Job Hongkzen iyo hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa iyaguna siyaabo kala duwan u sheegay maanta oo sabti ah in tirada dadka laga helay Crona oo caalamka oo dhan ku nool ay gaartay 3, 401,394.

Mareykanka ayaa kaalinta koowaad ka galay dalalka adduunka ugu badan marka laga hadlayo tirade dadka u jiifa cudurkan oo tiradoodu gaarayso 1,131,492.

Waxaa ku xiga oo kaalinta labaad ku jira dalka Spain iyadoo dadka Crona Virus la nool waddankaasi ay haatan gaarayaan 242,988.

Sidoo kale Talyaaniga ayaa galay kaalinta sadexaad iyadoo dadka cudurku ku dhacay dalkaasi ay noqdeen 207,428.

Sidoo kale Dawladda Britain ayaa iyaduna gashay kaalinta afaraad waxaana cudurks laga helay 177,454.

Dawladda Faransiiska ayaa ku jirta kaalinta shanaad ee tilmaamaysa in dad badan oo dalkaasi ku nool laga helay cudurka Crona, dadkaas oo tiro ahaan noqday 167,246.

Jarmalka ayaa galay kaalinta lixaad iyadoo tirade dadka la nool Crona Virus ee dalkaasi ku nool ay gaarayaan 167,77. Sidoo kale Turkiga waxa uu isna ku jiraa kaalinta 7-aad iyadoo laga helay dad qaba cudurkan oo gaaraya 122,392.

Russia waxay gashay kaalinta sideedaad oo tilmaamaysa dadka cudurku ku dhacay oo tiro ahaan gaaraya 114,431.

Dawladda Iran oo kamid aha dalalka sida adag ula dagaalamay faafitaanka cudurka Crona Virus ayaa ku jirta kaalinta sagaalaad waxaana dadka cudurkan qaba ee dalkaasi ku nool ay gaaraayaan 95,90,646.

Dadka caaalamka oo dhan u dhintay cudurka halista ah ee Corona Virus ayaa lagu sheegay 239,615 , Sidoo kale waxaa cudurka ka bogsooday ama ka kacay 1.8 milyan 816 caalamka oo dhan.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: