Kheyre oo kala shiray wasaaradaha Maaliyada iyo Gaashaandhiga sidii duulaan loogu qaadilahaa Al-shabaab

Kheyre oo kala shiray wasaaradaha Maaliyada iyo Gaashaandhiga sidii duulaan loogu qaadilahaa Al-shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Xukumada Faderaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Wasaaradaha Gaashaandhiga ,Maaliyadda iyo Taliyayaasha Ciidamada la qaatay kulan looga hadlayay dadaalanka Al shabaab.

Kulanka oo lagu qabtay Xarunta taliska Booliska, Ayaa waxaa shir Gudoomiyay Xasan Cali Kheyre Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, waxaana goob-joog ka ahaa wasiirka iyo wasiiru Dowlaha maaliyadda, wasiiru Dowlaha difaaca iyo taliyaasha Booliiska iyo kuwa xoogga Dalka.

“Kulanka ayaa looga hadlay isu diyaarinta howl-gallo ballaaran oo lagu xoreynayo deegaannada kooxaha Argagaxisadu ay Shacabka Soomaaliyeed ku dhibaateeyaan, ayaa lagu qabtay xarunta taliska Booliiska ee Magaalada Muqdisho” ayaa lagu yir war ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Xasan Cali Khayre ayaa faray dhammaan wasiirrada iyo Taliyeyaasha Ciidamada ee kulanka ka qayb galay iyo hey’adaha Dowliga ah ee qaybta ka ah qorshaha, in ay dar-dar geliyaan dedaallada lagu diyaarinayo howl-gallada ka dhan ah Al shabaab.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay qorshaha horumarineed ee dhammaan adeegyada Bulshada looga hir-gelinayo degaannada la wareegeen Ciidanka Xoogga dalka.

Taliyayaasha iyo wasiirrada kulanka ka qeyb galay ayaa Ra’iisul Wasaaraha u ballan qaaday in ay dhammeystirayaan qorsha la dagaalanka Al shabaab iyo hir-gelinta adeegyada ka dambeeya ee lagu horumarinayo Bulshada iyo degaanka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com