Maxkamad ku taalla Mareykanka oo Xukun ku ridday Nin dilay Darawal Soomaali ah.

Maxkamad ku taalla Mareykanka oo Xukun ku ridday Nin dilay Darawal Soomaali ah.

Maxkamad ku taalla Magaalladda Pittsburg ee Gobalka Pennsylvania ee dalka Mareykanka waxaa lasoo taagay Danielel Russell oo ku eedyesan in uu dilay Darawal Soomali ah oo lagu magacaabo Ramadaan Maxamed.

Kiiskaan waxaa loo soo xiray afar ruux oo ugu dambeyn mid kamid ah lagu helay laguna xukumay Xabsi daain (Maxaa haku furto), maadaama uu dilay Darawal Soomaali ah Saddex sano kahor.

Daniel Russell oo ah 23-sano jir waxa uu Garsooraha ismaamulka Allegheny u sheegay in uu dalbanayo qareen cusub oo uu sameysto, maadaama qofka u doodayay uu uusan ku qanacsaneen sida uu u wado ka difaacista eedda lagu soo oogay.

Ramadaan Maxamed waxa uu gaariga kuway Pizza oo ay hamiyeen kooxdii weerartay oo ugu dambeyn Daniel Russell dhaawac uu markii dambe u geeriyooday u geystay Wadaha Soomaaliga ah.

Dilka Ninkaan, maxkamaddu waxa ay sheegtay in Eedeysanaha lagu xukumay xukun aan cafis lahayn, sabab la xiriirta in uu yahay dambiga darajada 2-aad.

Ninka la dilay ee ah Ramadaan Maxamed ayaa jiray 31-sano, waxaana uu ahaa Wade Gaari Shirkadda Z Trip oo uu ka shaqeynayay 2-Todobaad oo kaliya kahor inta aan dilka loo geysan Marxuumka.

.baarayaasha kiiskaan waxa ay sheegeen in Maxamed uu ahaa Aabaha wiil yar oo labo sano jir ahaa waqtiga falka uu dhacayay iyo Xaas Xaamili ah, waxaana Ramadaan uu u geeriyooday dhaawac halis ah uu u geystay Daniel Russel.

Guddiga Muslimiinta Pittsburgh oo baaris gaar ah ku yahay dambigaan waxa ay ka baarayeen in dilkaan uu salka ku hayo Naceybka dadka soo galootiga, inkasta oo markii dambe ay ogaadeen in aanu salka ku heyn.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com