Al-Shabaab oo weerar ka fuliyey Gudaha Kenya

HomeWararka

Al-Shabaab oo weerar ka fuliyey Gudaha Kenya

Wararka ka imaanaya Gobolka Mandera ee dalka Kenya ayaa sheegaya in weerar lala beegsaday baabuur bas ah uu maanta ka dhacay degaankaas. Wararka la

BILICDA & WAX SOOSAARKA GOBOLKA SITTI EE (DDS) (daawo)
Ciidamadda Xogga dalka iyo dib-u-habeynta la wado (daawo)
Dowladda Soomaaliya oo gargaar gurmad ah gaarsiisay Baardheere

Wararka ka imaanaya Gobolka Mandera ee dalka Kenya ayaa sheegaya in weerar lala beegsaday baabuur bas ah uu maanta ka dhacay degaankaas.

Wararka laga helay dadka degaanku waxa ay sheegayaan in Xubno la aaminsan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ay weerareen baabuurka oo u socday magaalada Nairobi.

Wararka hordhaca ah ee nasoo garaaya ayaa sheegaya inuu jiro khasaare nafeed oo ay gaysteen Xubnihii weeraray baabuurkaas baska ah.

Baska la weeraray ayaa waxaa iska leh shirkadda lagu magacaabo Moyale Raha, waxaana uu ka mid yahay basaska ay isticmaalaan dadka rayidka ah ee iskaga kala gooshaya gobollada Kenya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: