Maamulka Jubbaland oo ka warbixiyay dagaal ka dhacay Qooqaani

Maamulka Jubbaland oo ka warbixiyay dagaal ka dhacay Qooqaani

Maamul goboleedka Jubbaland ayaa ka hadlay iskahorimaad ku dhex maray ciidamo ku sii jeeday magaalada Dhoobley iyo dagaalamayaal Al-Shabaab ka tirsan.

Saraakiil ka tiran ciidamada Jubbaland ayaa sheegay in Ciidamada Daraawiishta Jubbaland oo ka baxay magaalada Kismaayo kuna sii jeeday magaalada Dhoobley uu dagaal adag la galay dagaalamayaal Al-Shabaab ka tirsan kadib markii ay weerar jidgal ah ku sameeyeen ciidamada Jubaland oo marayey duleedka deegaanka Qooqaani.

Dagaalka ayuu maamulka Jubbaland ku sheegtay inay ku dileen siddeed ka mid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab halka labo ka mid ah ciidamadoodana ay ku geeriyoodeen.

Hase yeeshee warar madax banaan ayaa sheegaya in iskahorimaadka ka hor lagu qarxiyay mid ka mid ah gaadiidka dagaalka oo ay wateen ciidamada Jubbaland.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com