Khasaare ka dhashay dab xalay ka kacay suuqa weyn ee Bosaaso (Sawiro)

HomeWararka

Khasaare ka dhashay dab xalay ka kacay suuqa weyn ee Bosaaso (Sawiro)

Waxaa xalay xili dambe uu dab ka kacay suuqa weyn ee Magaaladda Bosaaso,iyado ay ku hanti beeleen ganacsato Soomaaliyeed. Guddoomiyaha Gobolka Bari

Warka Maanta ee maalinka JIMCAHA iyo Xuseen Cabdi Jimcaale Madar (dhegayso)
Kaniisad lagu weeraray Filibiin oo sababtay dhimashada 19 ruux
Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide oo Jigjiga lagu soodhaweeyey

Waxaa xalay xili dambe uu dab ka kacay suuqa weyn ee Magaaladda Bosaaso,iyado ay ku hanti beeleen ganacsato Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobolka Bari Mudane Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan, ayaa saka xili hore waxa uu kormeer ku tagay suuqa Magaalada Bosaaso oo xaley qeybo ka mid ah dab qabsaday sii uu u soo qimeeyo khasaaraha ka dhashay dabkaas.

Iyadoo uu Guddoomiyuhu xaley qeyb ka ahaa gurmadka badbaadinta hantida shacabka, sidoo kale gurmadkii xaley ayaa waxa qeyb ka ahaa taliska qeybta Booliska Gobolka Bari Iyo Maamulka Degmada.

Guddoomiyaha ayaa saaka Ganacsatadii iyo Bulshadii khasaaruhu soo gaaray kula kulmay suuqa waxa uuna ka xog wareeystay khasaarihii soo gaaray sidoo kale Guddoomiyaha ayaa u kuur galay khasaaraha guud ee soo gaaray qeybo ka mid ah suuqa Magaalada Bosaaso.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: