Booliska Caabudwaaq oo sheegay inay gacanta ku dhigeen rag dil geeystay

HomeWararka

Booliska Caabudwaaq oo sheegay inay gacanta ku dhigeen rag dil geeystay

Habeeno ka hor degmada Cabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud waxaa lagu dilay Nin Oday ahaa oo kamid ahaa dadka ka Shaqeeya dhismaha, waxaana Booli

Berri oo Isniin ah iyo barta doorashada Qardho ee duqa iyo kuxigeenkiisa.
Wiil 16 Jir ah oo Guursadey Habar 70 Jir ah
Caawa & Daljir iyo Khadar Cawl Ismaaciil, Daljir Buhoodle (dhegayso)

Habeeno ka hor degmada Cabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud waxaa lagu dilay Nin Oday ahaa oo kamid ahaa dadka ka Shaqeeya dhismaha, waxaana Booliska ay sheegeen inay dad u qabteen dilkaas.

Taliyaha Ciidamada Booliska degmada Cabudwaaq Farxaan Xuseen Xasan ayaa sheegay in howlgal ay sameeyeen Ciidamada ay kusoo xireen dad ay ku tuhmayaan dilka Odawaa Axmed oo gurigiisa lagu dhex dilay.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi uu ku daray taliyaha in dadkaasi ay baaritaan ku hayaan, isla markaana maalmaha soo socda u gudbin doonaan Maxkamad, hadii dambi lagu waayana la siideyn doono.

Ugu dambeyn Taliyaha Ciidamada Booliska degmada Cabudwaaq Farxaan waxaa uu sheegay in marnaba Booliska aysan ka hari doonin kiiskaas ilaa laga helo dadkii ka dambeeyay dilka Odawaa Axmed.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: