Berri oo Isniin ah iyo barta doorashada Qardho ee duqa iyo kuxigeenkiisa.

Berri oo Isniin ah iyo barta doorashada Qardho ee duqa iyo kuxigeenkiisa.

Sida qorshaysan berri oo taariikhdu tahay 11ka bisha Apriil, halkaan waxaa ka dhici doonta doorashada guddoomiyaha golaha deegaanka, ahna duqa magaalada Qardho iyo kuxigeenkiisa.
Mudanayaasha baarlamaan gole deegaan ee halkaan ka codayn doona berrito, waxay ku soo baxeen doorashadii qof iyo codka ahayd ee sannadkii hore ka dhacday degmooyinka Qardho, EYL iyo Ufayn, waana markii ugu horraysay oo Qardho ay yeelanayso maamul degmo iyo gole deegaan oo cod dadweyne ku yimid.

Xildhibaannada golaha deegaanka ee berri dooranaya maamulkii guddoon ee degmada, waxay ka soo kala baxeen ururada siyaasadda ee Kaah, Mideeye iyo Sincad.

Labada urur siyaasadeed ee Mideeye iyo Sincad oo ah sinnaan iyo caddaalad, ayaa leh isbahaysi siyaasadeed oo ay iskugu garabsadaan, kuna taag-darraynayaan ururka xagga dawladda ee Kaah, taasoo horayna ay u shaaciyeen, dhawaanna ficiladeeda laga arkay doorashadii duqa iyo kuxigeenkiisa ee ka dhacday degmada Ufayn, labadooduna ay ku soo baxeen guddoomiyaha iyo kuxigeenka.

Sidaas si la mid ah ayaa laga filayaa doorashada berri ee isla degmado Qardho, hase yeeshee urur siyaasadeedka dawladdu wuxuu uga aqlabiyad badanyahay degmada EYL labadoodaba.

Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com