Kaniisad lagu weeraray Filibiin oo sababtay dhimashada 19 ruux

Kaniisad lagu weeraray Filibiin oo sababtay dhimashada 19 ruux

Laba qarax oo kadhacay xarunta Katooligga ee koonfurta Filibiin ayaa dhaliyay dhimashada ku dhowaad 19 qof,  waxaana ku dhaawacmay dhowr kalle, sida saraakiisha ay sheegayaan.

Qaraxa hore ayaa dhacay xilli uu socday dabaaladag gudaha dhismaha kaniisadda oo ku taala jaziiradda Jolo.

Weeraradan ayaa imaanaya maalmo kadib markii muslimiinta gobolkaasi Bangsamoro  ay u codeeyeen inay noqdaan dowlad goboleed, kadib afti laga qaaday, balse waxaa kasoo horjeestay dadka kalle ee aan muslimka ahayn.

Majirto koox sheegatay weerarka jaziiradda, balse waxaa horay saldhigyo ku lahaa kooxaha weerarada fuliya ee Abuu Sayyaaf.

Dadka ugu badan ee waxyeelada soo gaartay ayaa ahaa dad shacab ah.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com