Kenya oo tirada dadka uu ku dhacay Coronavirus gaartay 81 ruux

HomeWararka

Kenya oo tirada dadka uu ku dhacay Coronavirus gaartay 81 ruux

Tirada dadka uu soo ritey cudurka Coronaviras ee dalka Kenya ayaa gaartay 81 ruux iyadoo 22 ruux laga helay cudurka Arbacada maanta ah.Hase yeeshee do

Wafdi uu hogaaminayo Islaan Bashiir Islaan Cabdulle oo ku Wajahan Saxadheer (dhegayso)
Roobki ka da’ay Gaalkacyo oo saamayn ku yeeshay Barakacayaasha (Daawo)
Barnaaamij Gaar ah: Gurmadka Culumadda Puntland ee Qarixii Isgoyska Soobe (dhegayso)

Tirada dadka uu soo ritey cudurka Coronaviras ee dalka Kenya ayaa gaartay 81 ruux iyadoo 22 ruux laga helay cudurka Arbacada maanta ah.Hase yeeshee dowlada Kenya ayaa sheegeysa in xaalada bukaanada aysan halis ahayn marka laga reebo hal ruux oo xaaladiisu aysan wanaagsanayn.

Wasiirka caafimaadka Kenya Mutahi Kagwe ayaa sheegay in dadka ugu dambeeyay ee laga helay cudurka ay 13 yihiin rag halka sagaalna ay haween yihiin.

Mr Kagwe ayaa intaa ku daray in bukaanada cusub ee laga helay cudurka ay 18 yihiin Kenyan,Labo Pakistan ah iyo labo u dhalatay dalka Cameroon.

Wararka kale ee cudurka Coronavirus ee caalamka ayaa sheegay in dalka UK ay korortay tirada dadka ee u dhintey cudurkan iyadoo muddo 24 saac ah ay u dhinteen 563 ruux guud ahaan tirada dhimashaduna ay gaartay 2,352 ruux.

Dalka Spain ayaa tirada dhimashadu waxa ay gaartay heerkii ugu sareysay iyadoo maalin kaliya ay u dhinteen cudurkan 864 ruux, halka dadka uu cudurka soo riteyna ay gaareen 94,417 ruux.

Dalka Maraykanka ayaa heerka dhimashadu waxa ay gaartay 4,000 halka tirada dadka uu cudurkan soo riteyna ay kor u dhaaftay labo boqol oo kun.

Guud ahaan caalamka 44,000 oo ruux ayaa u dhintey cudurkan halka dadka laga helay ay kor u dhaafeen 900,000 oo ruux.

Balse sida ay sheegayso warbixin ay soo saartay Jaamacada Johns Hopkins ee dalka Maraykanka dad gaaraya 190,000 oo ruux ayaa ka bogsaday cudurkan.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: