Siyaasi Cali Xaaji Warsame oo ka hadlay Nidaamka Axsaabta Puntland iyo Doorashada dawladda dhexe ee 2020/2021 (dhegayso)

Sida qorshaysan sannadkaan 2020 iyo 21 ba dalka Soomaaliya waxaa loo madlanyahay doorasho Baarlamaan iyo mid madaxtooyo oo ka dhacda.

Doorashadaasi oo hab-dhigaalkeeda guddiga iyo madaxda Qarankuba ay shaaciyeen uu yahay mid qof iyo cod ah, ayaa haddana meelo badan la gelinayaa muddo la xiriira suuragalnimadeeda, maadaama xilliga cimri ee hay’adaha dawladda dhexe uu yahay mid kooban marka laga hadlayo muddo afarta sano ahayd ee la doortay madaxda dawladda federaalka ee hadda jira iyo hay’adaha ay hoggaamiyaan.

Cali Xaaji Warsame waa siyaasi horay u soo qabtay xilal siyaasadeed oo Puntland, sidoo kalena u tartamay madaxweynaha Soomaaliya sannadkii 2017kii iyo kan Puntland oo isna uu labo jeer u tartamay.

Cali Xaaji Warsame, wuxuu ka talobixinayaa arrimaha doorasho ee dawladda dhexe ee iskugu jira midda Baarlamaan iyo tan madaxweyne iyo nidaamka axsaabta ee Puntland.

Siyaasigan ayaa u Waramay Barnaamijka Talokeen ee kabaxa Radio Daljir

Hoos ka dhegayso Waraysiga.

Diiwaanka Wararka

Radio Daljir.


Posted

in

,

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com