Kenya oo Ciidamo soo dhoobtay Xadka ay la wadaagto Soomaaliya

HomeWararka

Kenya oo Ciidamo soo dhoobtay Xadka ay la wadaagto Soomaaliya

Dowladda Kenya ayaa Ciidamo farabadan waxaa ay soo dhoobtay Xadka ay a wadaagto Soomaaliya gaar ahaan dhinaca Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo,sida ay

Khudbadaha munaasbadda Caana shubka beeldaaje Maxamed oo kasocda Carmo
Tartan & Taclin: Wareegii 1aad oo soo idlaaday iyo Afartii Dugsi Sare ee caawa Tartamay (Warbixin)
Barnaamij Gaar ah Takuleynta Masjidka Al-Nuur Gaalkacyo (dhegayso)

Dowladda Kenya ayaa Ciidamo farabadan waxaa ay soo dhoobtay Xadka ay a wadaagto Soomaaliya gaar ahaan dhinaca Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo,sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Ciidamada Militariga Kenya oo wata gaadiidka gaashaaman ee dagaalka ayaa lagu arkay, iyaga oo dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka wada xaduudka dhinaca degmada Ceelwaaq,isla markaana dadka ay cabsi dareemeen.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta ka dambeeysa in Kenya ay Ciidamo horleh soo dhoobto xadka dhinaca Gobolka Gedo ay kala wadaagto Soomaaliya,hayeeshee Warar soo baxaya ayaa waxaa ay sheegayaan inay taageerayaan Madaxweyne Kuxigeenka 1aad Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan,kaas oo la sheegay in loo diiday in uu galo magaalooyinka qaar ee Gobolka Gedo.

Madaxweyne Kuxigeenka 1aad Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo maalmahaan ku sugan Degmada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa dhawaan sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhibaato ka wado Gobolka Gedo,isla markaana ay adeegsaneyso Ciidamo Itoobiyaan ah.

Deegaano katirsan Gobolka Gedo ayaa waxaa laga dareemayaa loolan adag oo u dhaxeeya Kenya iyo Itoobiya oo kala taageeraya Dowladda Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Jubaland.

COMMENTS

WORDPRESS: 1
  • NuurkaNederland 4 years ago

    WAYSKA CAADI IN TAAGEERO LAYDSU DAARSADO.
    J/LAND WAXAA XUKUMA AXMED MADOOBE & KARTI & KARAAMO SIDAA DARAADEED WAXAY XAL U MOODO WAA ISKA CAADI.
    FARMAJO WAXAA KA GO’AN ILAA LOOGU DARO MUDO XILEED IN UUSAN LA HESHIIN MGOBOKEEDADA OO WALIBA CARQALAD GALIYO WAAAYO?HADUU SOO DHAWEEYO OO U FHAGANUGLAADO WAXAA LAGU QASBAYAA DOORASHADA IN LA GALO KORORSIIMO LA’AAN WAA TAAS TA U KA CARARAYO EE U WALXAMIIRKA UGU WADO PL,JL,& G/MUDUG WAATAAS.
    ODAYGII ARAB MUXUU YIRI:”ILA MEERAYSO”.KKKKKK.

DISQUS: