Ajandaha kulanka maanta ee Baarlamaanka (Akhriso)

Ajandaha kulanka maanta ee Baarlamaanka (Akhriso)

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Isniin ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 25-ka Bisha waxaa ay kulan ku yeelan doonaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada Golaha ayaa waxaa uu yahay Akhrinta 2aad ku Noqoshada Miisaaniyadda 2019.

Xildhibaanada ayaa xalay waxaa lagu wargeliyay inuu jiro kulanka, isla markaana laga doonayo inay kasoo qeyb galaan, si loo dardar geliyo howlaga horyaalla Baarlamaanka Soomaaliya.

Qaban-qaabada uu ku furmo kulanka ayaa haatan ka socota Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho, waxaana halkaas kusii qul-qulaya Xildhibaanada Baarlamaanka.

Xildhibaanada ayaa Maalintii sabtida aheyd ee la soo dhaafay kulankii ay yeesheen waxaa ay Akhrinta Koowaad marsiiyeen xisaabxirka miisaaniyadda dowladda ee sanadkii 2018 oo ay soo gudbisay Wasaaradda maaliyadda.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • NuurkaNederland 4 years ago

    MA MIISAANIYAD BAA?WAA MIISAANIYAD REER TAMAREEDE!!!.
    WAXBABA MA JIRAAN WAA FINISH WAXA LAGA HADLAYAA $200-300 MLYN,WAA MAXAY WAXASI WAA MEEL MARAN.
    LKN OGOOWOO MARKA MAAMUL GOBOLEEDADA TOODII LAGU DARO WAA WAXOOGAY U EG MIISAANIYAD.
    LKN HADA TANI WAAA UUN MUQDISHO INTA KA SOO XEROOTA & KABISTA DUNIDU KU KABTO DFS SANADKII.
    OK.WAA MIISAANIYAD HOTEL KA MIDA HUTELADA DUNIDA OOKALE.
    REER TAMAREED IGA DHEH!!!!.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com