HomeUncategorized

KENYA oo Beenisay Hadal ka so yeeray Madaxweynaha Somalia

Burtinle, 27, Febru, 2016 -(Daljir)_dowladda Kenya ayaa si adag ubeenisay hadal uu dhawaan warbaahinta siiyey madaxweyne Xasan Shiikh oo ku saabsana tirada ciidamada Kenya kaga dhintay weerarkii Ceel-cadde.

RW Cumar Cabdirashiid oo lagu wado in uu Maanta Booqdo Kismaayo
DHEGEYSO-Garoonka diyaaradaha Boosaaso oo adeegyadiisii loodhamaystiray.
Madaxada sare ee Puntland oo ka qayb galay aas qaran oo loo sameeyey Alle ha u naxariistee Warsame Cabdi Shirwac. [Dhegaysi …]
Burtinle, 27, Febru, 2016 -(Daljir)_dowladda Kenya ayaa si adag ubeenisay hadal uu dhawaan warbaahinta siiyey madaxweyne Xasan Shiikh oo ku saabsana tirada ciidamada Kenya kaga dhintay weerarkii Ceel-cadde.
 
Xasan Shiikh oo kusugan dalka Turkiga ayaa warfidiyeenada u sheegay in Kenta Ceel cadde ay kaga dhinteen 180 ilaa 200 oo askari,masuuliyiinta Kenya ayaana ka gaabsaday inay shacabka u sheegeen ciidamada kaga dhintay weerarkaas.
 
Afhayeenka ciidamada Corne David Obonyo oo warbaahinta la hadlay ayaa beeniyey warka madaxweynaha waxaa uuna sheegay inaysan tirada intaa leeg aysan uga dhiman weerarkii Ceel cadde.
 
Corne David Obonyo waxaa uu si caro leh uyiri”“Madaxweynaha Soomaaliya waxaan filaa inuu ku koox yahay Al-Shabaab, tirada uu sheegayo waa wax aad uga fog tirada cutubka ka koobnaa”.
 
Obonyo ayaa shaacin tirada rasmiga ah ee looga dilay weerarkii Ceel cadde waxaa uuna hadalkiisa kusii diray in ururka Alshabaab aysan ka dilin karin tirada intaa leeg siduu sheegay.
 
Dowladda Kenya ayaan sheegin tirada kaga dhimatay weerarkii bartamihii bishii lagu qaaday Ceel cadde,waxayse Alshabaab sheegeen 100 Askari in ay kaga dileen Kenya weerarkas.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: