Kulan looga Hadlayay Horumarinta Caafimaadka oo lagu Qabtay Garowe

Burtinle, 27, Febru, 2016 -(Daljir)_Wasaradda Caafimaadka Puntland iyo ururka caafimaadka Adduunka ayaa maanta magalada Garowe ku yeeshay shir looga wada hadlayay waxyaabihii wasarada iyo hay’adda xagga caafimaadka ugu qabsoomay sanadii lasoo dhaafay ee 2015.
 
Shirka waxaa kasoo qayb galay wasiirka caafimaadka, agaasimaha guud ee wasarada iyo xubnaha kale ee wasaradda, waxana diiradda lagu saarayay ka hadalka wixii qabsoomay, barnaamij-yada aan qabsoomin iyo in la iska xog warayso kuwa la qaban doono sanadkan cusub ee 2016.
 
Hay’adda Caafimaadka WHO ayaa wasaradda kala shaqaysa barnamijyada caafimaadka sida cudurada Duumadda, qaaxada,ADIS-ka iyo xanuunada dhimirka ku dhaca, Cabdirisaaq Abshir oo ah madaxa tallaalada ee wasaradda Caafimaadka ayaa warbaahinta u sheegay inay shaqooyin joogta ah WHO wada qabtaan, isla markasna kulankan la qabto sanad kasta bilowgiisa.
 
Cabdirisaaq Garwayne ayaa sheegay inta uu shirka socday in lagu soo bandhigay barnaamijyada Hay’adda iyo wasaraddu kasoo wada shaqeeyaan sanadkii lasoo dhaafay, wuxuna cadeeyay kulankan inuu muhiimad gaar ah u lee yahay isla markasna laga wada hadlo caqabadaha iyo horumarka la sameeyay sanadkii tagay.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com