Iiran oo Xukun ku riday Muwaadin Soomaaliyeed

HomeWararka

Iiran oo Xukun ku riday Muwaadin Soomaaliyeed

Ninkan Eedeysanahaah oo lagu magacaabo Farxaan Cabdirisaaq, oo 40-jir ah ayaa sida la Maxkamadda Dembiyadda ee magaalladda Dublin ee caasimadda Irelan

Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland oo Daljir uga waramay khasaaraha Qarax ka dhacay Garoowe (dhegayso)
Dadka danyarta ee Bossaso oo saamayn ay ku yeelatay diidmada lacagta (dhegayso)
Nin u dhashay dalka Giriiga oo ka badbaaday shilkii diyaarada Ethiopian Airlines

Ninkan Eedeysanahaah oo lagu magacaabo Farxaan Cabdirisaaq, oo 40-jir ah ayaa sida la Maxkamadda Dembiyadda ee magaalladda Dublin ee caasimadda Ireland, ka hor qirtay in uu tahriibinayay Muhaajir u dhashay Soomaaliya, kaasi oo uu si sharci-darro ah ku gelin lahaa dalkaasi.

Qareenka u doodayay eedeysanahan ayaa Maxkamadda ka hor sheegay in Farxaan Cabdirisaaq, ujeedkiisa uu ahaa sidii uu walaalkiis ku soo gelin lahaa Ireland, iyada oo loo marayo waddo sharci ah.

Bishii November 1-dii ee sanadkii hore ayaa waxay Saraakiisha Xafiiska Socdaalka ee Dublin Airport, ku qabteen Nin ku saafrayay Dukumentiyo Macmal ah, kaasi oo sheegy inuu la safrayay Farxaan, balse marna ma sheegin inay ehel yahiin.

Dhanka kale Farxaan, ayaa Maxkamadda u sheegay in wiilkan uu ka yimid Soomaaliya, uuna Giriiga ka soo galay dhanka Turkiga, kaalintiisana ay aheed in uu taageero.

Farxaan Cabdirisaaq, oo haysta dhalashada Sweden, ayaa beeniyay in uu yahay Mukhalas dadka tahriiba oo lacago ka qaata, balse uu ninkaasi u cawinayay walaalnimo iyo xaallad adag oo haysatay.

Garsooraha Maxkamadda, oo lagu magacaabo Elma Sheahan, ayaa Farxaan ku xukuntay sanad iyo lix bilood oo xabsi ah.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: