Somaliland: dad u dhintay cudurka COVID-19

HomeWararka

Somaliland: dad u dhintay cudurka COVID-19

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa aad ugu kordhay degaannada Soomaliland tirada dadka uu soo ridanayo iyo kuwa u dhimanaya xanuunka safmareenka ah e

Warka Maanta ee maalinka JIMCAHA iyo Xuseen Madar (dhegayso)
Dood looga hadlayeey Khilaafka Federaalka iyo maamul gobaleedyadda oo Garoowe lagu qabtay (dhegayso)
Saaka & Dunida iyo Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe (dhegayso)

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa aad ugu kordhay degaannada Soomaliland tirada dadka uu soo ridanayo iyo kuwa u dhimanaya xanuunka safmareenka ah ee COVID-19.

Mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland ayaa waxaa ay sheegeen in11-kii maalmood ee ugu horreeyey bishan April la diiwan galiyey dhimashada 64 Qof oo u dhintay cudurka CVID-19.

Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi, ayaa, isaga oo arrimahaasi ka hadlayay waxaa uu yiri.”Waxaa u geeriyooday kow iyo tobanka maalmood ilaa haatan 64 qof, waxaana soo jeedinaya in bulshada guryahooda ku tukadan sallaadda Taraawiixda bisha Ramadaan.

Somaliland ayaa horay u qaaday xayiraado iyo Go’aamo la xiriira ka hortagga COVID-19 oo ay soo saartay, waxaana haatan muuqata n uu cudurka kusii kordhaya, isla markaana Wasaaradda Caafimaadka Somaliland aysan qaadin wax tallaabo ah.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: