Nin u dhashay dalka Giriiga oo ka badbaaday shilkii diyaarada Ethiopian Airlines

Nin u dhashay dalka Giriiga oo ka badbaaday shilkii diyaarada Ethiopian Airlines

Antonis Mavropoulos oo ah nin u dhashay dalka Giriiga ayaa sheegay inuu kamid ahaa rakaabkii ku qornaa inay raacaan diyaaradii burburtay shalay ee Ethiopian Airlines.

Guud ahaan rakaabkii saarnaa diyaarada ayaa ku geeriyooday burburka diyaarada waxana uu Mavropoulos ka soo daahay labo daqiiqo xilligii ay duuleysay diyaarada.

Mavropoulos oo madax ka ah urur caalami ah oo ka shaqeya deegaanka ayaa ku sii jeeday magaalada Nairobi si uu ugaga qeybgalo shirweyn ka dhacaya magaalada Nairobi.

“Waxaa la i geeyay saldhigga booliska ee ku dhex yaal garoonka diyaaradaha balse Booliska waxa ay ii sheegeen inaan duceysto sababtoo ah waxaan ahaa rakaabka kaliya ee aan raacin duulimaadkii ET 302.”ayuu yiri Mavropoulos.

Diyaarada Boeing 737 ayaa burburtay daqiiqado yar kadib markii ay ka duushay aroornimadii hore ee shalay garoonka diyaaradaha ee magaalada Addis Ababa.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com