Garoowe “Nafaqadarro baahsan baa jirta ilaa 900 oo kun oo caruur ah ayay saamaysay Soomaaliya”, Daawo

HomeWararka

Garoowe “Nafaqadarro baahsan baa jirta ilaa 900 oo kun oo caruur ah ayay saamaysay Soomaaliya”, Daawo

Shir looga hadlayey kor u qaadista dhaqdhaqaaqa la dagaalanka nafaqa daradda kajirta Puntland ayaa ka dhacay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland. 

Warka Fiidnimo, Xuseen Xadaari, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)
Soomaaliya oo kaalinta ugu hooseysa ka gashay dalalka uu musuqa hoos u dhigay dimuqraadiyadda
Kulan Amniga loga hadlayeey oo ka qabsoomay Bosaaso (Sawiro)

Shir looga hadlayey kor u qaadista dhaqdhaqaaqa la dagaalanka nafaqa daradda kajirta Puntland ayaa ka dhacay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland. Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash), Wasiirka Caafimaadka Dr. Jaamac Faarax Xasan, Wasiirka deegaanka, beeraha iyo Isbedelka cimilada Ismaaciil Diiriye Gamaadiid, Wasiirka warfaafinta Cali Sabarey, Wasiir kuxigeenka haweenka Sahra Cabdi Xirsi iyo masuuliyiin kale oo ka socda golaha xukuumada ayaa goobjoog ahaa kulanka.

Xiriiriya Xafiiska Madaxweyne kuxigeenka Puntland u qaabilsan la socda dhaqdhaaqa la dagaalanka Nafaqadarada  Puntland Dr. Maxamed Cali Xasan ayaa ugu horayn faahfaahin ka bixiyey shirka iyo Ujeedadiisa ayaa sheegay in shirka oo sadex biloodba mar la qabto lagu la fagurayo heerka nafaqadaradda kajirta Puntland xiligan.

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Puntland Dr.Faarax Jaamac Xasan Ayaa ka warbixiyey dhaq-dhaqaaqa la dagaalanka nafaqa darada iyo sida aduunku hadda uga wada shaqaynayo.

Raxaamo oo ka socda Hay’ada UNIFEC ayaa sheegay in xaalada nafaqo daro ee  xiligan Soomaaliya ay tahay mid kasii daraysa loona baahan yahay wax ka qabasho degdeg ah

“Xaalada nafaqa daro ee Puntland waa mid halis ah waana mid saamaynaya caafimaadka guud iyo horumarka waana khatarta ugu balaaran ee u baahan in si heer caalam ah looga wada jawaab, qiyaasta ilaa 900 oo kun oo caruur shanta sano ka yar ah ayaa xaalad nafaqa daro haysaa waana mid kordhaysa sanadihii u danbeeyey”,

Ugu danbayna Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Karaash ayaa sheegay in dawladu gacan weyn ka geysan doonto la dagaalanka nafaqa darada isagoo Hay’adahana ka codsaday inay laba jibaaraan dadaalkooda.

In ka badan 900,000 (Sagaal boqol oo kun) oo caruur shan sano jir ka yar ayaa nafaqa daro haysataa Soomaaliya oodhan, kulan looga hadlayey la dagaalanka nafaqa daradda ayaana maanta lagu qabtay Garoowe

Posted by Radio Daljir on Monday, March 11, 2019

 

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: