Kulan Amniga loga hadlayeey oo ka qabsoomay Bosaaso (Sawiro)

HomeWararka

Kulan Amniga loga hadlayeey oo ka qabsoomay Bosaaso (Sawiro)

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxman Dhabancad ayaa maanta waxa uu xafiisk

Madaxweynaha Galmudug oo Gaalkacyo lagu soo dhaweyeey (Sawiro)
Madaxweynaha Koonfur galbeed oo furay shirka Wadatashiga Siyaasada Tamarta (Sawiro)
Bandhigga COVID-19 (Taxanaha 10aad)

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxman Dhabancad ayaa maanta waxa uu xafiiska Maamulka Gobolka Bari kulan kula qaatay guddiga amniga Gobolka Bari oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Bari Mudane Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan.

Kulankan intii uu socday ayaa waxa laga wada hadlay xaalada guud ee Gobolka waxaana ka warbixiyay Guddoomiyaha Gobolka Bari Mudane Cabdisamad Abwaan sidoo kale Guddoomiyaha ayaa uga mahadceliyey Wasiirka kulanka.

Kulanka ayaa waxa ka soo qeyb galay Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud, Guddoomiyaha Degmada Bosaaso Mudane Cabdiqani Axmed Ismaaciil deerro-dille, Iyo dhammaan xubnaha guddiga Nabadgalyada Gobolka waxa ayna ka warbixiyeen xalaadda guud ee Degmada Iyo Gobolka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0