Madaxweynaha Koonfur galbeed oo furay shirka Wadatashiga Siyaasada Tamarta (Sawiro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somaliya Gudoomiyaha Golaha Shacabka Barlamanka KG,Wasiiro Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo ururada Bulshada Qeybaheeda kala Duwan ayaa ka Qeybgalay Munaasabad kooban oo lagu Daahfurayey Shirka oo ka dhacday Xarunta Ruun jinaad ee Magalada Baydhabo.

Shirkan oo Maalmo ka socon doono Magaalada Baydhabo ayaa looga hadli doona Arimaha Korantada iyo sidii loo Xoojin lahaa sidii Guud ahaan Dalka looga heli lahaa Koronto ku filan walow haatan boqolkiiba 15 ay tahay Isticmaalka Korontada mid hooseysa.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cabduqadir Shariif Shekhuna Maye ayaa Bogaadiyey Wasaarada Tamarta iyo Kheyradka Biyaha waxaana uu ugu Baaqay inay Ku Dadaalaan sidii Dalka looga heli lahaa Koronto ku filan.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa Si toos ah ufurey Shirka waxaana uu Ka hadlay Muhiimada Bulshada ay u leedahay inay helaan Koronto ku Filan.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com