RW khayre oo si weyn lagu soo dhaweyeey Kismaayo (Sawiro)

HomeWararka

RW khayre oo si weyn lagu soo dhaweyeey Kismaayo (Sawiro)

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ee Dowlad Gobolee

JIGJIGA: Dad taageero u muujiyay TPLF oo xabsiga loo taxaabay
Caawa & Daljir iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim (MCI), Daljir Bossaso (dhegayso)
Munaasabad lagu Xusayaay Aas Asaaska Ciidanka Jabuuti oo Buulo burte lagu qabtay (Sawiro)

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Wafdiga Mudane Xasan Cali Khayre waxaa garoonka Kismaayo si-weyn ugu soo dhaweeyay Madaxda Dowlad Goboleed Jubbaland iyo dadweyne kala duwan oo ka yimid xaafadaha magaalada xeebeedka Kismaayo.

Mudane Xasan Cali Khayre oo hadal kooban ka jeediyay garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo ayaa Madaxda Jubbaland iyo shacabka Kismaayo kaga mahadceliyay sida ay u soo dhaweeyeen waxuuna sheegay in kismaayo uu joogi doono maalmo.

Qaar kamid bulshada magaalada oo ka hadlay socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin in uu soo booqdo Ra’iisul wasaaraha qaranku, iyaga oo sheegay in socdaalku muujinayo sida dawladda federaalka iyo dawlad gobaleedyada xubnaha ka ah ay uga go’antahay ilaalinta midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa la filayaa in uu kulamo la qaato madaxwaynaha Jubaland, mudane Axmed Maxamed Islaam iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Kismaayo.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: