Hoobiyaal xalay ku dhacay Dagamada Xamar jajab iyo khasaare ka dhashay

Hoobiyaal xalay ku dhacay Dagamada Xamar jajab iyo khasaare ka dhashay

Wararka naga soo gaaraya degmada Xamar jajab ayaa waxa ay sheegayaan in Tiro hoobiyeyaal ah ay xalay ku soo dhaceen nawaaxiga iskool Poluusiya Xaafadaha ku yaalla.

Dadka kunool Xaafadaha Hoobiyeyaasha ay kusoo dhaceen ayaa waxa ay sheegeen in Shan madfac ay soo dhaceen kuwaasi oo siyaabo kala duwan ugu dhacay goobahaasi.

Dad isku qoys ahaa ayaa ka mid ah dadka waxyeelada ay soo gaartay, maadaama hoobiyaha uu ku dhacay gurigooda sida dadka degaanka ay xaqiijiyeen.

Dad gaaraya 20 ruux ayaa ku dhaawacmay, waxaana dadkaasi dhaawacyadooda daadgureeyay ciidanka booliska Soomaaliyeed.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com