Hiirshabeele oo ka hortimid Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho

HomeWararka

Hiirshabeele oo ka hortimid Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho

Qoraal ka soo baxay Maamulka Hirshabelle ayaa lagu cadeeyay in aysan ka qeyb ahayn shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee uu dhawaan ku casuumay Ra’iisul

MAANHADAL: Muxuu ka dhigan yahay Habraaca cusub ee ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya? (daawo)
Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho
Wasiirada ganacsiga DFS iyo dowlad goboleedyada oo kulmay

Qoraal ka soo baxay Maamulka Hirshabelle ayaa lagu cadeeyay in aysan ka qeyb ahayn shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee uu dhawaan ku casuumay Ra’iisul Wasaare Roble madaxda dowlad goboleedyada iyo Maamulka gobolka Banaadir.

War ka soo baxay Madaxtooyada Hirshabelle ayaa lagu shaaciyay in sababta uu Maamulka Hirshabelle u qaadacay shirkaasi ay tahay in aan lagala tashan.

Sidoo kale Maamulka Hirshabelle ayaa sheegay in wixii ka soo baxa shirka Madasha Qaran aysan qeyseyn maamulka Hirshabelle uuna dhowri doontaa fulinta Heshiiskii 17dii September iyo kii 27dii May ee lagu saxiixay Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa kamaqan dalka isagoo dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa dalka TUrkiga.

Qoraalka ka soo baxay Maamulka Hirshabele ayaa u qornaa sidan;

Dowladda Hirshabeelle waxay cadeyneysaa inaysan qeyb ka ahayn shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Maamulka Gobolka Banaadir berri uga furmaya Magaalada Muqdisho.

Dowladda Hirshabeelle maadaama aysan talo ku lahayn qabsoomida shirka, wixii kasoo baxa ma noqon doonaan wax quseeya Dowladda Hirshabeelle.

Ugu dambeyn Hirshabeelle waxa ay dhowri doontaa fulinta Heshiiskii 17dii September iyo kii 27dii May ee lagu saxiixay Magaalada Muqdisho.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: