Madaxweynaha Galmudug oo Muqdisho tagay

Madaxweynaha Galmudug oo Muqdisho tagay

Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Muqdisho, halkaas oo madax iyo mas’uuliyiin sare oo heerarka kala duwan leh ay si weyn ugu soo dhaweeyeen Garoonka Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Galmudug ayaa dhawaan ka qeybgali doona shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee uu ku casuumay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Puntland ayaa horey u joogay magaalada Muqdisho.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com