Wasiirada ganacsiga DFS iyo dowlad goboleedyada oo kulmay

Wasiirada ganacsiga DFS iyo dowlad goboleedyada oo kulmay

Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyey shir looga hadlayo ganacsiga Soomaaliya iyo sidii loo horumarin lahaa.

Shirkan oo ay soo agaasintay wasaaradda ganacsiga dowladda dhexe ee Soomaaliya, ayna kasoo qaygaleen wasiirada ganacsiga Hirshabelle, Jubaland, Koonfur Galbeed , Galmudug iyo rugta ganacsiga Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ayaa diiradda lagu saaray horumarinta beeraha iyo kalluumaysiga iyo sidii suuqyo cusub loogu heli lahaa.

Wasiirka ganacsiga Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa kulanka ka sheegay wasaaradda inay soo dhowaynayso ganacsatada, ayna fursad walba oo suuqyada caalamiga ah ay ku xiri doonto.

Waxaa uu kula dardaarmay ganacsatadu inay bixiyaan canshuurta dalka si dowladdana ay u shaqayso.

Dhanka wasiirada ganacsiga dowlad goboleedyada ee shirka ka qaybgalay ayaa soo dhoweeyey shirkan oo ay sheegeen in loo baahanyahay in la joogteeyo.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com