Hay’adda Amnesty oo xariga Wasiirka Amniga jubbaland ka hadashay

HomeWararka

Hay’adda Amnesty oo xariga Wasiirka Amniga jubbaland ka hadashay

War kasoo baxay Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa lagu soo dhaweeyay Xarigii Dowladda Soomaaliya ay 31-bishii la soo dhaafay ee

Caawa & Daljir iyo Maxamed Lakiman, Daljir Bosaaso (dhegayso)
DFS & Dowlad Goboleedyada oo ka shiray xakameynta COVID-19
Shir ku saabsan sharciga Socdaalka oo Muqdisho ka furmay maanta Dhegayso+Sawiro

War kasoo baxay Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa lagu soo dhaweeyay Xarigii Dowladda Soomaaliya ay 31-bishii la soo dhaafay ee Agoosto ay muqdisho ugu geysatay Wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland.

C/rashiid Janan ayaa loo heystaa eedeymo la xiriira xadgudub dhanka bani’aadannimada gaar ahaan arrin ka dhacday sanadkii 2015 Degmada Doolow ee Gobolka Gedo, halkaasoo afar ruux oo maxaabiis ahaa lagu dhex dilay xabsigii ay ku jireen.

Agaasime ku xigeenka hayada Caalamiga ah Amnesty ee Bariga Afrika,Geeska iyo Harooyinka waaweyn Seif Magango ayaa xarigaas waxaa uu ku tilmaamay tallaabo wanaagsan oo la qaaday taas oo qeyb ka ah xisaabtanka dambiyada waaweyn iyo xadgudubyada la sameeyo.

Wasiirka Amniga dowlad Goboleedka Jubbaland oo hadda u xiran Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa horay eedeyn ugu soo jeediyay Kooxda dabagalka ee dalalka Soomaaliya iyo Eritrea aan sharci ahayn iyo sameynta falal aan sharci ahayn intii u dhexeysay sanadihii 2014 iyo 2015.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: