Shir ku saabsan sharciga Socdaalka oo Muqdisho ka furmay maanta Dhegayso+Sawiro

Shir ku saabsan sharciga Socdaalka oo Muqdisho ka furmay maanta Dhegayso+Sawiro

magaaladda Caasimada ah ee Muqdisho waxaa maanta ka furmay shir wadashi ah ,taas oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha ee dowladda federaalka somaaliya,iyadoo ay ka qayb galeen khuburo ka kala socday qaar ka mid ah Hay’addaha dowlada iyo Bulshada rayidka, waxaana shirkan uu ku saabsan yahay dib u eegista Sharciga Socdaalka.

shirkan waxaa ka qayb galay Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow, Wasiirka arimaha Dibada Yuusuf Garaad Cumar, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Eng. Cabdi Canshuur Xasan, Wasiiru dowlaha arimaha gudaha C/llaahi Faarax Weheliye iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Gaashaanle Sare Maxamed Adam Jimcaale (Koofi).

Wasiirada Shirka ka soo qeyb galay ayaa ka dalbaday quburada loo soo xulay in ay ka qeyb galaan wax ka badalka sharciga Socdaalka in ay is waafajiyaan xaalada uu hada dalka marayo iyo sharcigan, Maadaama marka la sameynayay sharciga ay aheyd 1966, Xiligaasna ay sameysay dowlada dhaxe, hadana Soomaaliya ay qaadatay Federal , sidoo kalena ay hada aduunka ku soo korortay argagaxiso aan horay loo aqoon.

Gaashaanle Sare Maxamed Adam Jimcaale (Koofi) oo shirka hadal ka jeediyeey ayaa sheegay in shirkan sido kale lagu qaban doono dhamaan maamul gobaleedyada dalka kajira.

Hoos kadhagayso Codadka Shirka

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com