Gudoomiyaha gobalka Banaadir oo la kulmay Agaasimaha Madaxtooyada

HomeWararka

Gudoomiyaha gobalka Banaadir oo la kulmay Agaasimaha Madaxtooyada

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa booqday Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya,isaga oo halkaasi kula k

Kooxo hubeysan ayaa labo qof oo isku qoys ah ku dilay Muqdisho
Banaanbax looga soo horjeedo kufsi iyo dil lo geystay gabar 12 jir ah oo Gaalkacyo ka dhacay (Daawo)
Warka Fiidnimo iyo Khadar Cawl Ismaaciil, Daljir Buuhoodle (dhegayso/daawo)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa booqday Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya,isaga oo halkaasi kula kulmay Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya iyo qaar ka mid ah howlwadeenada Madaxtooyada.

Kulanka ayaa diirada lagu saaray howlaha horumarineed ee Gobolka,iyada oo xoogga lasaaray dardargelinta amniga, arrimaha bulshada iyo dib u dhiska goobaha danta guud ee Gobolkan Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa sheegay in Agaasimaha Madaxtooyada uu balanqaaday in ay gacan muuqata ka geysanayaan dhammaan dadaallada Lagu horumarinayo adeegyada aasaasiga ah ee Bulshada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Duqa Muqdisho in Agaasimaha uu ugu mahadceliyey soo dhaweynta iyo talooyinka muhiimka ah ee agaasinka Madaxtooyada JFS, isla markaana maamulka Gobolka iyo shacabka ay xoogga saari doonaan sidii loo heli lahaa caasimad qurxoon oo amni ah.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: