Gudoomiyaha Bender Beyla oo beeniyey in la masuq-maasuqay mashruucii JPLGga ee degmada (dhegayso)

Gudoomiyaha Bender Beyla oo beeniyey in la masuq-maasuqay mashruucii JPLGga  ee degmada (dhegayso)

Gudoomiyaha degmada Bender Beyla ee gobolka Karkaar Saciid Anteeno ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyay maanta radio Daljir waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay in la masuq-maasuqay mashruucii JPLGga ee degmada, isla markaana waxa uu sheegay in mashruucaasi uu si rasmi ah degmada ugu bilaaban doono maalinta Sabtid ah ee fooda nagu soo heysa.

Gudoomiye Saciid Anteeno ayaa intaasi ku daray in degmada mashruucyada noocaasi oo kale ah laga fulinaayay muddo 8 sano ah

Hadalka gudoomiyaha ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xili baraha bulshada lagu faa-fiyey in mashruucaasi la hakiyay.

Dhegayso.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com