Trump” Iiraan marna ma yeelan karto Nuclear”

Madaxwaynaha Mareykanka Doanald Trump ayaa ka digay talaabada ay dowladda Iiraan ay ku kordhinayso bacriminta Yuraaniyamka ee dalkeeda, taasi oo ay sheegtay inay sare u qaadayso xadigii loo ogolaaday heshiiskii ay la gashay dowladdaha Mareykanka iyo Midowga Yurub.

Trump ayaa sanadkii hore ka baxay heshiiskii Mareykanka, Midowga Yurub iyo Iiraan ee 2015kii, waxaana heshiiska ogolaaday inuu sii jiro dowladaha Yurub.

Mar la waydiiyay talaabada Iiraan ay qaaday ayaa waxaa uu ku jawaabay “Iiraan waxaa u wanaagsan inay ka taxadarto bacriminta, mana’ ahan arrin wanaagsan”

Sidoo kalle ma sheegin talaabada Washington ay qaadayso, laakiin waxaa uu wariyeyaasha ugu sheegay Tehraan inay marna haysan karin hubka Nuclearka.

Dhanka kalle xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo ayaa ku hanjabay cunoqabatayn dheeri ah oo lagu soo rogayo dalka Iiraan, sida uu ku sheegay qoraal uu soo dhigay boggiisa Twitterka tilaabooyinka ugu dambeeyey ee Iiraan ay ku kordhinayso bacriminta Yuraaniyamka inay horseesi doonto takoor iyo cunoqabatayn dheeraad ah oo lagu soo rogo.

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com