Guddoonka Golaha Shacabka oo Go’aan ka gaaray Xildhibaannadii lagu doortay Gobolka Gedo

HomeWararka

Guddoonka Golaha Shacabka oo Go’aan ka gaaray Xildhibaannadii lagu doortay Gobolka Gedo

Qoraal ka soo baxay guddoonka golaha shacabka ee Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey go’aan laga qaatay murankii ka taagnaa xildhibaanada laga soo doortay

Ergada dooraneysay Xildhibaanada Aqalka sare ee Gobolada Waqoooyi oo la xareeyay
Guddiiga doorashooyinka Somaliland oo digniin u diray xisbiyada
Madaxweynaha Jabuuti: ;”Waxaan ka cabsi qabaa in Baarlamaan uu Shabaab maamulo Soomaaliya lagu dhiso”

Qoraal ka soo baxay guddoonka golaha shacabka ee Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey go’aan laga qaatay murankii ka taagnaa xildhibaanada laga soo doortay gobolka Gedo, waxaa guddoonka golaha shacabka ee Soomaaliya ay shaaciyeen in 16-kii xildhibaan ee lagu soo doortay degmada Ceelwaaq inay yihiin xildhibaanada saxda ah ee meteli doona gobolka Gedo.

Guddoonka golaha shacabka ayaa sheegay inay go’aankoodan ay saldhig uga dhigeen maadaama xildhibaanada doorashadoodu ka dhacday degmada Ceelwaaq in lagu soo doortay hab waafaqsan habraaca doorashada ee Guddiga Hirgelinta Doorashada Dadban ee Heer Federaal, iyada oo doorashadoodana ay qabteen Guddida Hirgelinta Doorashada Dadban ee heer dawlad goboleed, halka xildhibaanada lagu soo doortay degmada Garbahaaray inaanay doorashadooda qaban guddidii doorashada ee heer dawlad goboleed ee ay ahayd inay qabato.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: