Taliska Ciidanka xoogga dalka oo soo bandhigay rag katirsan Al-Shabaab

HomeWararka

Taliska Ciidanka xoogga dalka oo soo bandhigay rag katirsan Al-Shabaab

laamaha Amniga degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ay soo bandhigeen laba rag ah oo ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab, kuwaas oo isku soo dhiiba

Kooxo Burcad badeed ah oo laga badbaadiyeey markab Ganacsi
Salaamaha Ciidka iyo Dadweynaha Garoowe (Daawo)
Xildhibaan Axmed Cabdiraxmaan Kuluc: “Dadkani inay isdoortaan ayay mudo sugayeen rubuc qarniga ah”

laamaha Amniga degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ay soo bandhigeen laba rag ah oo ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab, kuwaas oo isku soo dhiibay Ciidamada dowladda Soomaaliya.

labada Ragga oo lagu kala Magacaabo IbraahimXasan Cabdi Yaasir iyo Siidoow Xasan Cali Shaafici oo ku albisnaa dareeska Ciidamada Millateriga, waxaana goobta lagu soo bandhigayay ku sugnaa Saraakiil Ciidan & mas’uuliyiin katirsan Maamulka degmada Baardheere.

Labadan dhalinyaro oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxay ay shegeen in ay u adkeysan waayeen nolosha adag iyo dhibatooyinka Al-Shabaab ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed ,isla markaana ay dhibaato kala kulmeen.

Saraakiisha Ciidamads ee soo dhaweeyay ragga katirsanaa Al-Shabaa ee isku dhiibay ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen inay soo dhaweeynayaan ragga katirsan Al-Shabaab ee isku soo dhiibaya Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Al-Shabaab ayaa siyaabo kala duwan u soo bandhigga rag ay sheegaan inay isku soo dhiibeen dhankooda, balse aan wax faah faahin dheeri ah aan laga bixin.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: