Ergada dooraneysay Xildhibaanada Aqalka sare ee Gobolada Waqoooyi oo la xareeyay

Sida uu dhigayay jadwalka doorashada Aqalka Sare ee xubnaha ka soo jeeda Gobolada Waqooyi waxaa maanta oo Axad ah la xareynayaa ergada dooraneysa 11 Senatar ee ka soo Gobolada Waqooyi, kuwaasoo maalinta Talaada doorashadooda ka bilaabaneyso Muqdisho.

Guddiga maamulada doorashada Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi oo shalay guddoonsiiyay Musharaxiinta shahaadada diiwaan gelinta ayaa ka dalbaday Ergada inay si degdeg ah ugu soo xaroodaan Teendhada Afisyooni.

Waxaa maalinta berri oo Isniin la filayaa in la dhageysto khudbadaha Musharaxiinta u taagan kuraasta Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi.

Ergada oo gaareysa 46 xubnood ayaa isugu jira 23 oday dhaqameedyada ka tirsan 135-ta oday iyo 23 xubnood oo ka socda bulshada rayidka ee ka soo jeeda Gobolada Waqooyi.

Doorashada 11 senatar ee Aqalka Sare Gobolada Waqooyi ayaa socon doonta muddo saddex cisho oo ka bilaabata maalinta Talaadada illaa Khamiista.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com