Guddoomiyihii Maxkamadda gobolka Sool ee Soomaliland oo Qarax logu xiray gaarigiisa ku geeriyooday

Guddoomiyihii Maxkamadda gobolka Sool ee Soomaliland oo Qarax logu xiray gaarigiisa ku geeriyooday

Wararka laga helayo Magaaladda laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in Goordhow halkaasi uu ka dhacay qarax uu ku geeriyoodey Guddoomiyihii Maxkamadda gobolka Sool ee Soomaliland Xasan Sheekh.

Dad goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegayaan in Guddoomiyaha Gaarigigiisa qaraxa loogu xiray,isla markaana uu u geeriyoodey dhaawac culus oo kasoo gaarey qaraxaas.

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliland ayaa gaaray halka qaraxa uu ka dhacay,iyada oo dadka ku nool Magaalada laascaanood ay aad uga naxeen falkaan oo ah mid ku cusub Magaaladaas.

Wixii ku soo kordha daljir kala soco

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com