Guddoomiye Sanyare oo shaqaaqadi Gaalkacyo ka dhacday ku edeyeey Wasiirka Arrimaha dibadda DFS (Warsaxafadeed)

HomeWararka

Guddoomiye Sanyare oo shaqaaqadi Gaalkacyo ka dhacday ku edeyeey Wasiirka Arrimaha dibadda DFS (Warsaxafadeed)

Gudoomiyaha Gobolka Mudug ahna Xildhibaan ka tirsan BJFS Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur Waxa uu ka xunyahay waxii Caawa ka dhacay Magaalada Gaalkacyo

81 ruux lagu dilay rabshadaha Itoobiya iyo Ciidamo Milateri la geeyay magaalooyinka
Xulashada Daljir & Jaamac C/raxmaan , Daljir Garoowe (dhegayso)
Hooyo yarankeedi ku wayday Qaraxii Zoobe, dib u milicso 14-ki Octoobar

Gudoomiyaha Gobolka Mudug ahna Xildhibaan ka tirsan BJFS Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur Waxa uu ka xunyahay waxii Caawa ka dhacay Magaalada Gaalkacyo “ Waxaan ka xumahay waxii Caawa ka dhacay Magaalada Gaalkacyo, Waxaan alle naxariistii jano uga baryayaa askarigii ku geeriyooday Falkaasi sidoo kale Waxaan Caafimaad taama urajaynayaa iyo in alle ubooga dhayo Saraakiishii, Shacabkii iyo Askartii ku dhaawacantay Falkasi.

Waxaan rabaa inaan ucadeeyo Bulshada Soomaaliyeed iyo Shacabka Puntland falkii dhacay caawa masuuliyadeeda waxaa iska leh Wasiirka Arimaha Dibada DFS Cabdisiciid Muuse oo Magaalda Gaalkacyo uyimid ka mira dhalinta siyaasad ma dhalays ah iyo khal-khal galinta Amniga Guud ee Magaalada Gaalkacyo.

Waxaan fariin halkan uga dirayaa Dhamaan Bulshada Gobolka Mudug Dal iyo Dibed waxaad haysataan amni iyo Nabad maanta la isku halayn karo in badan oo kamida Magaalooyinka Somaliya aysan haysan ku fara adayga, kala shaqeeya laamaha amniga Gobolka Mudug wax kasta oo wax udhimi kara nabada Gobolka Mudug “

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA WARBAAHINTA MAAMULKA GOBOLKA MUDUG

COMMENTS

WORDPRESS: 1
  • Faysal 2 years ago

    Umay insan yare oo saa ufakarayo Abdisiciid waa mawaadil gurigiisii jooga see nabad khalkhal ugalinayaa

DISQUS: