Axmed Karaash oo si kulul uga hadlay dhacdadii Gaalkacyo (Akhriso)

Axmed Karaash oo si kulul uga hadlay dhacdadii Gaalkacyo (Akhriso)

Madaxweyne Axmed Karaash oo ka hadlay Shaqaada caawa ka dhacday Gaalkacyo “Baaris ka dib, cid kasta oo falkaas ku lugyeelata waxaa laga qaadi doonaa talaabo sharciga waafaqsan.”

Qoraal kooban oo lasoo dhigay bogga uu Facebook ku leeyahay Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Karaash ayaa u qoraa sidan

Waxaan ka tacsiyaynayaa shaqaadada ka dhacday caawa Gobolka Mudug gaar ahaan Degmada Gaalkacyo, waxaan Eebe Janatul Fardowsa u waydiinayaa askarigii ku nafwaayey, inta ku dhaawacantayna waxaan u rajaynayaa in Eebbe u booga-dhayo oo uu ugu horeeyo Nabadoon Yaasiin Cabdisamad iyo Taliye ku xigeenka qaybta Gobolka Mudug.
Waxaan aad uga xumahay dhacdadan liddiga ku ah nabadgelyada iyo xasiloonida Gobolka iyo kan Degmada,sababtayna dhaawaca iyo dhimashada muwaadiniin reer Puntland ah.

Waxaan u magacabayaa Guddi ka hawlgasha baarista iyo u kuurgalidda shaqaaqadaas.
Baaris ka dib, cid kasta oo falkaas ku lugyeelata waxaa laga qaadi doonaa talaabo sharciga waafaqsan

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com