81 ruux lagu dilay rabshadaha Itoobiya iyo Ciidamo Milateri la geeyay magaalooyinka

HomeWararka

81 ruux lagu dilay rabshadaha Itoobiya iyo Ciidamo Milateri la geeyay magaalooyinka

Ciidamo Milateri ah ayaa la geeyay qaar ka mid ah magaalooyinka dalka Itoobiya, iyadoo rabshadaha ka socda Gobolka Oromada uu sii xoogeystay, kaddib d

Itoobiya iyo Eriteriya oo ku heshiiyay darbiga labada dal inay ku badalaan buundo xiriirisa
Guddoomiyaha Gobalka Hiraan oo Xilkii laga qaaday
Jubbaland oo ka hadashay qoraalada ka soo baxay dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka

Ciidamo Milateri ah ayaa la geeyay qaar ka mid ah magaalooyinka dalka Itoobiya, iyadoo rabshadaha ka socda Gobolka Oromada uu sii xoogeystay, kaddib dilkii fanaankii caanka ahaa Haacaaluu Hundeesaa oo isniintii la soo dhaafay lagu dilay magaalada Addis Ababa.

Illaa 81 ruux ayaa la soo wariyay in lagu dilay rabshadaha iyo qalalaasaha ka socda qeybo ka mid ah magaalada Addis Ababa iyo magaalooyinka ku hareereysan gobolka oromada.

Dilka Fanaanka Haacaaluu oo ka soo jeeda qowmiyadda Oromada ayaa huriyay xiisado waa weyn oo halis geliyay xasiloonida dalka Itoobiya.

Rasaas ayaa ka dhacday xaafado ka tirsan Addis Ababa iyo magaalada Ambo ee Gobolka Oromada, waxaana isku dhacyo dhex mareen Ciidamada, iyo kooxo ku hubeysan baangado iyo ulo.

Illaa 35 ruux oo ku jiro Jawar Mohamed ayaa xabsiga la dhigay, waxaana Booliska ay sheegayaan inay dadka la xiray ay ku jiraan labo ruux oo looga shaki qabo inay ku lug lahaayeen dilka Fanaanka.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa wajahaya culeysyo siyaasadeed oo ay uga weyn tahay qalalaasaha ka socda qeybo ka mid ah dalka, waxaana gobolada Oromada xaalkiisa yahay mid aan sal adag ku taagneyn

Maanta oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa in la aaso Fanaanka ka soo jeeda qowmiyadda Oromada oo ka mid ahaa dadkii loo xiray arrimaha siyaasadda, kaasoo sanadkii 2018 la soo daayay, markii is bedelka uu ka dhacay Itoobiya.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: