Taliye Kuxigeenka Qaybta & Duqii Hore ee Gaalkacyo oo ku Dhaawacmay Raasaseyn Gaalkacyo

Taliye kuxigeenka qaybta gobolka Mudug ee Puntland Cabdi Siciid Xuseen Koomaad, duqii hore ee magaalada Galkacyo Yaasiin Cabdisamad iyo askari ka tirsan ciidanka booliska ayaa ku dhaawacmay is raasaasayn caawa ka dhacday goobo ay degganyihiin masuuliyiin dawladda federaalka ah iyo kuwo Puntland ah.

Is rasaasaynta dhaawaca masuuliyiin dhalisay ayaa bilaabatay kadib markii ciidamada boolisku aaggaasi tageen afurkii kadib, damceenna koontaroolid boolis in ay halkaasi ka sameeyaan, waxayna isku dhaceen ciidamo kale oo ilaalo madaxeed u badnaa oo iyana sugayey amniga masuuliyiin meelo isku dhadhaw oo halkaasi ah deggan.

Meesha wax ka dhaceen oo ah aagga ciid guduudda ama agagaarka gurigii madaxweynihi hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, hadda waxaa deggan wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya Cabdisciid Muuse Cali oo shalay yimid Galkacyo, wasiirka maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal iyo madax kale oo dawladda ah, kuwaasi oo ilaalo gaar ah oo hubaysan ay u joogaan goobaha ay degganyihiin.

Isla halkaasi waxaa ku taalla beer lagu caweeyo, laguna qabsado xafladaha gaarka ah, xilligaasna waxaa ka socday xaflad afur oo siyaasiyiin kala duwan ay ka qaybgaleen sida ilo kala duwan ay Daljir u xaqiijiyeen, balse lama shaacin waxyaabaha rasmiga ah oo xafladdaadu ay daarranayd.

Maanta ayay ahayd markii guddiga amniga gobolka Mudug ee Puntland ay soosaareen amarro la xiriira in aan wax shir ah oo aysan dawladdu la socon aan lagu qaban karin gobolka siiba magaalada Galkacyo oo xarunta gobolka ah.

Yaasiin Cabdisamad, duqii hore ee Galkacyo oo rabshadaan caawa ku dhaawacmay, ayaa muddo saluugsanaa siyaasadda hoggaamineed ee madaxweyne Siciid Cabdillaahi Deni, una soo jeedin jiray dhaliilo siyaasadeed oo tilmaamaya liidashooyin dhinacyo badan ah. Dhinaca kalena beerta la sheegay in kulan afur ah uu ka socday lafteeda waxaa iska leh duqaasi hore ee dhaawacmay Yaasiin Cabdisamad.

Tallaabadaan caawa dhacday ayaa ku soo beegmay xilli madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Deni iyo kuxigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan ‘Karaash’ ay isku khilaafsanyihiin arrimo xagga sharciga la xiriira, siiba awoodda maamulitaan ee Puntland maadama Siciid Deni uu yahay musharrax madaxweynaha Soomaaliya ah, haddana uu ku suganyahay Muqdisho.

Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com