HomeUncategorized

Guddoomiyaha Gaarisa oo lagu Eedeeyay Musuq-maasuq

Sabti, Juun 27, 2015 (Daljir)_ Hadal ka soo baxay Madaxa Dacwad-oogaha Kenya, Keriako Tobiko ayaa amray in la so oxiro laana soo maxkamadeeyo Guddoomiyaha Garissa, Nadiif Jaamac Aadan iyo 7 ka tirsan Maamulkiisa inay si aan caadi ah ugu takri faleen Gaadiidka Ambalaaska iyo Adeegyadda Caafimaadka ee Garissa.

Dowladda Jabuuti oo beenisay in ciidamo looga dilay magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha guddigii xulidda oo sheegtay in ay ku hawlanyihiin soo dhammaystirka mudanayaasha dhimman.
DHEGEYSO-Walaaca Q.M ee doorashada Soomaaliya oo siikordhaysa.

Sabti, Juun 27, 2015 (Daljir)_ Hadal ka soo baxay Madaxa Dacwad-oogaha Kenya, Keriako Tobiko ayaa amray in la so oxiro laana soo maxkamadeeyo Guddoomiyaha Garissa, Nadiif Jaamac Aadan iyo 7 ka tirsan Maamulkiisa inay si aan caadi ah ugu takri faleen Gaadiidka Ambalaaska iyo Adeegyadda Caafimaadka ee Garissa.

Qoraal ay soo bandhigeen Guddiga La-dagaalanka Musuqa ee Kenya (EACC) ayaa lagu sheegay in Guddoomiyaha Garissa, Nadiif Jaamac lagu soo oogayo inuu kireysto gaadiidka Ambalaasta ee loogu talagalay Gurmadka Degdegga, iyadoo ay gaadiidkaasi leedahay Shirkad si buuxda u hoos tagta Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Kenya.

Amarka lagu soo xirayo, laguna soo maxkmaadeynayo Guddoomiyaha Garissa, Nadiif Jaamac iyo mas’uuliyiinta ee la shaqeyso ayaa timid, iyadoo uu Madaxweynaha Kenya khudbad uu jeediyey bishii Maarso 26-dii ee sannadkan ku sheegay in lala dagaalamayo Musuqmaaso, laguna soo taagayo Maxkamadda Saraakiisha Dowladda ee lagu helo Musuqa.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: