Burundi oo Sheegtay in 50 Askari looga dilay dagaal ay la galeen Al-shabaab

Sabti, Juun 27, 2015 (Daljir)_Afhayeenka Milliteriga dalka Burundi, Colonel Gaspard Baratuza ayaa ka hadlay Khasaarihii soo gaaray Ciiddanka Burundi ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM, kuwaasi oo ay Dagaalamayaasha Alshabaab ku weerareen Xeradda AMISOM ee Deegaanka Leego ee Gobalka Sh/hoose.

Afhayeenka Colonel Gaspard Baratuza oo caasimadda dalka Burindi ee Nujunmbura kula hadlay Wakaalladda Wararka Jarmalka ee DPA ayaa  waxa uu qiray in ka badan 50-Askari looga dilay weerarkaasi, bale waa uu ka gaabsaday inuu faahfaahin kale bixiyo.

Hadalkaasi ayaa waxa uu soo baxay, kadib, markii uu Afhayeenka Alshabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage “ Sheekh Cali Dheere” sheegay inay Kontameeyo Askari oo Burundian ah ku dileen weerarkii Leego.

Dhinaca kale, Ciiddanka AMISOM ayaa abaabul xooggan ugu jira sidii ay guluf cusub ugu qaadi lahaayeen Dagaalamayaasha Alshabaab oo la sheegay inay weli ku sugan yihiin Saldhiggii AMISOM ee Deegaanka Leego.

Dadka Deegaanka ayaa sheegay inay xaalladdu deggan tahay, isla markaana ay Dagaalamayaasha Alshabaab soo buux-dhaafsadeen Saldhiggii AMISOM iyo dhowr Kontorool oo ku yaalla gudaha Deegaanka Leego.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com