Gobolka Waqooyi Bari Kenya oo Bandow-gii laga qaaday

Sabti, Juun 27, 2015 (Daljir)_Dowlada Kenya ayaa shaacisay inay bandowgii ay kusoo rogtay deegaannada Gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya la qaaday, iyadoo bandowgan lagu soo rogay gobolka bishii Abriil, kaddib weerarkii Jaamacadda Gaarisa.

Bandowgan ayaa saarnaa magaalooyinka Mandheera, Wajeer, Garissa iyo deegaano ka mid ah Tana River, waxayna xukuumadda Kenya sheegtay in qaadista bandowga ay tahay mid ku timid sababo la xiriira bisha barakeysan ee Ramadaan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Dalka Kenya, Joseph Nkaissery ayaa sheegay in bandowgaan la qaaday kaddib markii uu dhawaan madaxweynaha Kenya uu ka codsaday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kenya in dib u eegis ku sameyso bandowga marka galo Ramadaanka.

 

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com