Guddoomiyaha Barlamaanka Somaaliya oo ka hadlay Dalabkii Xeer ilaaliyaha Qaranka

HomeWararka

Guddoomiyaha Barlamaanka Somaaliya oo ka hadlay Dalabkii Xeer ilaaliyaha Qaranka

Gudoonka Baarlamaanka Somaliya ayaa markii uhoreysay ka hadlay dalabka Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ee ahaa in Xasaanada laga

Xubinta Sicirka Iyo Suuqa Burtinle
Shan carruur iyo hooyadood oo ku geeriyooday dab ka kacay Muqdisho
Munaasabad maamulka DDS ku taageerayo xisbiga EPP ee Abiy Axmed oo Jigjiga ka qabsoontay

Gudoonka Baarlamaanka Somaliya ayaa markii uhoreysay ka hadlay dalabka Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ee ahaa in Xasaanada laga qaado laba Xildhibaan.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo Talaadadii warqad jawaab celin ahayd u qoray Xeer Ilaaliyaha, ayaa ku dhaliilay ka hor intii aanu warqadda ku xusan eedeymaha labada Xildhibaan soo gaarsiin Guddoonka Golaha Shacabka uu ka sheegay Warbaahinta, taasoo sida uu Jawaari sheegay khilaafsan sharciga.

Xeer Ilaaliyaha oo Axadii shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho, ayaa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya ugu baaqay in xasaanadda Xildhibaanimo lagala noqdo Xildhibaanada kala ah Xasan Macalin Maxamuud iyo Saabir Nuur Shuuriye, ka dib markii uu sheegay inay ku kaceen qiyaano qaran, ayna u hayaan cadeymo in ku filan.

Arinta Gudoomiye Jawaari ka sii careysiisay ayaa ah in Warbaahinta laga sheego Magaca labada Xildhibaan ee Xeer ilaaliyaha ku dhawaaqay.

Jawaari ayaa usoo jeediyay Dr Axmed Cali Daahir in marka uu ka hadlaayo arin Xasaasi ah uu ka digtoonaado inuu ku talax tago arimaha qaar uuna tixgaliyo Xaalada Siyaasadeed iyo mida amni ee Dalka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: