Madaxweynaha Dawladda Puntland oo ka Tacsiyeeyey Geerida Taliyihii Qaybta Gobolka Cayn.

HomeWararka

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo ka Tacsiyeeyey Geerida Taliyihii Qaybta Gobolka Cayn.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka tacsiyey geerida Alle hawnaxariistee marxuun Gaashaanle Sare Maxamuud Jaamac Ca

Guddoomiyaha Maxkamadda sare oo la dardaarmay garsoorayaal la dhaariyeey (Daawo)
Hordhaca Wareysiga Agaasimaha Miino Baarista Puntland Maxamed Muuse Jaamac
Warka DDM iyo Wariye Xaawo Axmed Maxamed Garoowe (Daawo)

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka tacsiyey geerida Alle hawnaxariistee marxuun Gaashaanle Sare Maxamuud Jaamac Cali oo ahaa taliyaha qaybta Booliska gobolka Cayn.

Madaxweynaha Puntland oo ku hadlaya afka goleyaasha dawaladda Puntland ayaa waxaa uga tacsiyaynayaa Taliska Booliska Soomaaliyeed iyo guud ahaanba Taliska Booliska Puntland , eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay Alle denbigiisa ha-dhaafee marxuun Gaashaanle Sare Maxamuud Jaamac Cali.

Marxuunka ayaa ku geeriyoodey magaalada Garoowe ee caasimadda dawladda Puntland halkaasi oo uu mudooyinkii ugu danbaysay ku xanuunsanaa, Illaahayna uu qadar in maanta ay saacadiisii kusoo gebagebowday.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuun Gaashaanle Sare Maxamuud Jaamac Cali uu ahaa sarkaal gudashada waajibaadkiisa shaqo ku wanaagsan, islamar’ahaantaana shaqo wanaagsan qabtay muddadii uu ahaa taliyaha qaybta Booliska gobolka Cayn.

Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa marxuunka marlabaad Alle uga baryey inuu u naxariisto, denbigiisana dhaafo, su’aasha qabrigana Alle sulansiiyo, samir iyo iimaanna uu kasiiyo eheladiisa iyo Taliska Ciidanka Booliska Puntland.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: