Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Buurtinle Salaaddii Jimce Kula Tukadey Masjid Jaamaca Magaaladaasi

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Buurtinle Salaaddii Jimce Kula Tukadey Masjid Jaamaca Magaaladaasi

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay tariikhdu tahay 22 December 2017 salaaddii jimce kula tukaday shacabka degmada Buurtinle Masjid Jaamaca magaaladaasi.

Madaxweynaha iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo oo magaalada Burtinle ee gobolka Nugaal u joogey hawlo shaqo oo ay kamid tahay xal u helidda dagaalada sokeeye ee ka dhacay deegaanada hawdka gaar ahaan degaanka Cagaaran [Gurgur], ayaa maanta si balaadhan ula tukaday salaadii jimce dadweynaha degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal.

Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa salaadii jimce kadib waxaa uu Alle ‘SWC’ uga baryey shacabka rayidka ah ee ku nafwaayey dagaalka ka dhex dhacay shacabka walaalaha ah ee isku degaanka ah inuu u naxariisto samir iyo iimaanna Alle kasiiyo eheladii, qarabadii iyo qaysaskii ay ka baxeenba, waxaana uu Madaxweynuhu sidoo kale Alle u waydiiyey inuu u booga dhayo intii ku dhaawacantay dhacdadaasi.

Dhinaca kale Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa ugu baaqay shacabka walaalaha ah ee ku dagaalamay degaanka Cagaare inay joojiyaan dagaalka iyo colaadda, isla markaana ay garowsadaan inaanay wax dan ihi ugu jirin xaaladda ay hadda ku sugan yihiin.

Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa isimada, waxgaradka, cuqaasha, nabadoonada, haldoorka, indheer-garadka iyo guud ahaan shacabka Puntland ugu baaqay inay ka qayb qaataan deminta shaqaaqadaasi ka dhex aloosan dadka shacabka ah ee walaaha ah ee isku degaanka ah.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com