Shan carruur iyo hooyadood oo ku geeriyooday dab ka kacay Muqdisho

Shan carruur iyo hooyadood oo ku geeriyooday dab ka kacay Muqdisho

Shan carruur ah, hooyadood iyo qof marti u ahaa ayaa ku geeriyooday kadib dab qabsaday habeenimadii xalay hoygooda oo ku yaala degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Dabka ayaa kacay xilli saq dhexe ah, waxaana la isku dayay in laga badbaadiyo qoyska dabka uu qabsaday inkastoo lagu guul daraystay.

Aabaha qoyska ayaa wararku ay sheegayaan inuu dabka kusoo toosay oo hooyada carruurta dhashay uu isku dayay inuu kasoo saaro balse ay diiday iyadoo sheegaysay in carruurteeda ay badbaadin doonto.

Lama oga waxa dhaliyay dabkan ka kacay qoyskaasi ku noolaa magalaada Muqdisho.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com